Xildhibaan soo dhaweeyey Booqashadii Wasiirka Hawlaha Guud ee Buuhoodle

0
333

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Cismaaan Faarax Warsame Jiciir, oo ka mid ah mudanayaasha golaha degaanka degmada Buuhoodle, ayaa bulshada degaankaas  ku amaanay sidii ballaadhnayd ee ay u soo dhaweeyeen wasiirka  hawlaha guud ee Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdirashiid Ducaale Qambi oo toddobaadkii hore safar shaqo ku tagay Buuhoodle.

 

Xildhibaanku waxa uu sidaasi ku sheegay war saxaafadeedd  uu saaray, waxaanu ku tilmaamay tallaabo dhinaca horumarka loo qaaday soo dhawayntii shacabka reer Buuhoodlle ay ku qaabileen wasiirka, waxaanu sheegay in arrintaasi ay muujinayso bisaylka siyaasadeed ee reer Buuhoodle.

Warsaxaafadeedkaasi oo dhammaystiranina waxa uu u dhiganaa sidan “Anigoo ah Xildhibaan Cismaan Faarax Warsame Jiciir kana tirsan Golaha Degaanka Degmada Buuhoodle, waxaanu hambalyo mug iyo miisaan leh u dirayaa shacabwaynaha Reer Buuhoodle iyo ciidammada qaranka ee buuhoodle ee ku sugan Widh-widh iyo Balicad sida gobanimada leh ee ay u soo dhoweeyeen wasiirka hawlaha guud taas oo ka markhaati kacaysa in dadka degaanka Buhoodle ay yihiin Somalilander dhab ah.

Waxaan kaloo aan bogaadinayaa cuqaasha, ganacsatada iyo aqooonyahanka reer buuhoodle sida ay u garteen horumarka iyo midnimada bulshada reer Buuhoodle u baahan tahay una caddeeyeen hadafkooda siyaasadeed iyo qarannimoba.

Waxaan kaloo farriin u dirayaa xubnaha uu dabada ka soo riixayo madaxwayne ku xigeenka Puntiland ee faragalinta qaawan ku haya gobolka Buuhoodle muddadaas dheerna ay masiirka dadkaasi lahaayeen hore u lumiyeen, hana ogaadaan xilkay doonaaba ha hayaane haday tahay madaxwayne ku xigeen iyo baarlamaan ku sheeg iyo ciidanka ku sheegba iyo xubno garaadada ka mid ah, in ay Somaliland kula xisaabtami doonto dhibaatada ay ka gaysteen degaanka Buuhooodle, waxaa allaale wax ay u qabanayaan aanay jirin lugooyo mooyaane.

Waxaan si gaara u hambalyaynayaa mar labaad iyo mar saddexaadba wasiirka hawlaha guud C/rashiid Ducaale Qambi tallaabada aan hore loo qaadin ee uu maanta qaaday taas oo ah midaanu shacab ahaan, gole ahaan iyo degaan ahaaanba aanu ku hambalyaynayno waana tii aanu ka waynay xukuumaddii hore ee Axmed Siilaanyo,

Waxaan C/rashiid Ducaale leeyahay waxaanu ku soo dirnay duco ilaahay agtiisana waxaad kaga helaysaa wanaag wadadaaas fiican ee aad jeexday anaguna waxaanu kuu balan-qaadaynaa hadaanu nahay golaha deegaanka buuhoodle iyo dadka degaankuba inaanu gacan mug leh kaa siin doono talaabo kasta oo horumara aad qaado adiga iyo xukuumadaaduba.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply